Home Celebrity News & Gossip ALBUMKA NANCY9 ee NANCY AJRAM OO GILGILAY BARAHA BULSHADA ISKOORNA XIDHAY

ALBUMKA NANCY9 ee NANCY AJRAM OO GILGILAY BARAHA BULSHADA ISKOORNA XIDHAY

2 min read
Comments Off on ALBUMKA NANCY9 ee NANCY AJRAM OO GILGILAY BARAHA BULSHADA ISKOORNA XIDHAY
3
3,588

Fanaanada caanka ah ee Nancy Ajram ayaa wax la sugaba 21April soo dajisay Albumkeedi NANY9 Hassa Beek ee sida weyn loo wada sugayay in ka badan 3sano iyo badh ayaa saacado gudahood noqday Albumka ugu iibka badan Bariga dhexe iyo woqooyiga afrika iyadoo sidoo kale Ituneska Dawladaha yurub top10ka uu so galay albumyada ugu iibka badan onlineka.

Albumkan oo ay ku jiraan 14heesood oo lahjado kala duwan ay ku heesayso Nancy sida Lahjadaha Masriga iyo Lubnaani iyo Khaliiji iyo Ciraaqi iyadoo ay heesahan iskugu jiraan qaar music kulul wata iyo qaar deganba oo ka hadlaya mawadiic fara badan oo jaceyl u badan. Dhanka kale fanaaniin caan ah ayaa usoo hambalyeeyey Nancy albumkeedan cusub oo ay u horeyso fanaanada caanka ah ee Nawal ElZoghbi iyo Sherine Abdelwahab iyo Carole Samaha iyadoo Nancy dhamaantod u mahadcelisay siday ugu hambalyeeyen Albumkeeda iyo videoclipkeda cusub.




Waxaana xusid mudan inay videoclipkii Heesta Albumka ay ugu magac dartey ee Xaasa Biik ay Youtubeka ka daawadeen in ka badan 5Million mudo ka yar laba usbuuc gudaheed sidoo kalena heesihii kale ee kelida aha e ay hordhac ahaan usoo dajisayna kor u wada dhafen Hal Malyan. Dadka fanka qiimeeya ayaa ku sheegay albumkan inuu yahay midkii ugu tayoda fiicnaa ee ay soo saarto fanaanadan sida weyn looga wada daba dhacay tan iyo goortay soo shaac baxday.

HALKAN KA DAAWO MUSIC VIDEO HASSA BEEK

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Celebrity News & Gossip

Check Also

Daawo Bashaalka Ahmed Zaki oo Boorama Ruxay + Booqashadi Aamina Cabdilaahi

Halkan Ka Daawo Related …