Home Arimaha Bulshadda Gabadh Mareykan Ah Oo Waalidkeed Maxkamad Ka Dacweysay Foolxumadeeda Awgeed 2Million Dollarna Magdhow u Dalbatay

Gabadh Mareykan Ah Oo Waalidkeed Maxkamad Ka Dacweysay Foolxumadeeda Awgeed 2Million Dollarna Magdhow u Dalbatay

2 min read
Comments Off on Gabadh Mareykan Ah Oo Waalidkeed Maxkamad Ka Dacweysay Foolxumadeeda Awgeed 2Million Dollarna Magdhow u Dalbatay
1
5,403

Annabelle Jefferson oo ah gabadh 44jir ah oo u dhalatay dalka Mareykanka gaar ahaan California ayaa labadeeda waalid  dacwad kusoo dalacday maxkamadeed iyadoo kaga cabatay inay sabab u yihiin waalidkeed foolxumadeeda maadama oo muuqaalkeedu yahay mid ay labadooda ka dhaxashay midaasna ay sabab u noqotay in la furo sedex jeer bulshaduna ku caayan muuqaalkeeda.

Robert Jefferson, 82jir, and xaaskiisa Ruby Jefferson, 76jir

Annabelle ayaa tidhi “Labadooduba ilaa xad way foolxunyihiin arxan daro iyo qalad ayay ahayd inay caruur dhalaan oo muuqaalkoda foosha xun soo laba celiyaan”.

Waxay intaas ku dartay in ninkeedii u horeeyey markuu furayay maxkamada ka sheegey in subaxdii markuu wejigeeda arko lalabo qaban jirtey suuligana ku ordi jirey si uu u matago foolxumadeeda darteed waxayna tidhi “Hadalkiisa maan ilaawin wuuna i damqaa mar walba oon xasuusto”.

Waxaana xusid mudan in ninkeedi u dambeeyey uu ahaa nin aan aragiisu fiicneen oo 40% wax arki kara markii uu qalniin sameeyey ee aragiisu usoo noqday uu furey usbuuc ka dib muuqaalkeda awgeed.

Annabelle ayaa sheegtay inay sameyn doonto urur difaaca xuquuqda dadka ay isku xaalada yihiin ee muuqaalkooda lagu takooro ee raba inay waalidkood ka aargoostaan.




Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Arimaha Bulshadda

Check Also

Daawo Bashaalka Ahmed Zaki oo Boorama Ruxay + Booqashadi Aamina Cabdilaahi

Halkan Ka Daawo Related …