Home Xidigaha & Filmada Diiwaanka Qosolka : Ninkii Qaadka ee Transitka ahaa

Diiwaanka Qosolka : Ninkii Qaadka ee Transitka ahaa

5 min read
Comments Off on Diiwaanka Qosolka : Ninkii Qaadka ee Transitka ahaa
0
3,869
Nin reer Berbera ahaa ayaa Qaadka si xun u jeclaa. Wuxuu kale oo ahaa nin aad uga muxtarim ah bulshada dhexdeeda, gaar ahaan magaaladaasi Berbera ee uu ku nolaa. Haddaba waxaa dhacaysa in ninkan odayga ahi uu maalin maalmaha ka mid ah uu Qaad guri soo dhiganayo, si uu ugu soo noqdo qadada ka dib. Iska cun qadadiisii, waxaanu ku soo laabanayaa halkii qaadku u sii yaalley. Iyada oo aanay ka qasnayn oo sahii qaadku hayo, una sii miliqsanaya oo iska foodh foodhyaya, ayuu imanayaa gurigii uu qaadka sii dhigtay. Waxa wejiga ku dhufanayaa gurigii oo quful weyn oo aad u ballaadhan lagu jebiyey!!!
Inta uu aad u naxo oo is hayn kari waayo, ayuu guriga gidaarkiisii dhabanka saarayaa bal si uu u dhegaysto inay guriga cidi ku jirto iyo in kale. Illayn waa nin Qaad hayaaye wuxuu is tusayaa gurigii oo lagu dhex jiro oo laga dhex hadlayo oo isaga mala-awaalkiisa ah. Gurigani waxa uu ka mid yahay guryihii yaryaraa ee sekedaha ku yaalley (amaba dhowr guri oo isku dheggan). Dabadeed wuxuu tegayaa gurigii ugu kooneeyey ee sekedda ku yaalley oo uu gidaarkiisa fuulaayaa. Wuxuu rabaa inta uu derbigii laynka ahaa ee guriyahaas oo dhan ka dhaxeyn jirey soo fuulo markuu dhowr guri soo dhaafo uu gurigii uu rabey daaradda ugaga soo dhaco, maadaama ay guriyahani leeyahiin daarad u bannaan hawada; kulka aawadiis.
Haddaba waxa dhacaysaa isagoo ku gurguuranaya derbigii ay lahaayeen reerihii kale ee gurigii uu ku socdey ka kooneeyey, ayaa markuu laba guri dhaafo, isagoo maraya gurigii saddexaad oo aan weli gaadhin gurigii uu rabey, uu ka soo dhacayaa derbigii. Halkaasuu sidii bombka ugu soo dhacayaa guri ay leeyihiin reero qalaad oo aan ahayn gurigii uu ku socdey. Nasiib darro waxaa dhacaysa in reerkii uu gurigooda ku soo dhacay ay deg-deg ugu soo cararayaan dhinicii daaradda bal si ay u ogaadaan maqaadiirta ku soo habsatay xaafaddoodii. Waxa indhaha qac lagu siiyey ninkii oo daaraddoodii jiifa oo dhinacaa is haya xannuun dartii, il-qoodhana ka eegaya dadkan ku soo buuqay oo uu xishoodna dhinac kaga jiro, isagoo maskaxdiisa boqol jeer u kala tirinaya Qaadkaas markiyey waxaas oo foolxumooyin ah.
Haddaba waxaa dhacaysa inay gartaan carruurtii qaar ku soo xoomay oo ay yidhaahdaan,”Allah, oo waa hebele!” iyagoo ay wejigooda yaab fara badani uu ka muuqdo. Markaa intuu naxo illayn waa nin weyn oo khashifmaye, ayuu odhanayaa si xanuun leh; “Aaaa, Aaaa, Aar waa Hebeloo Transit ahe”, isagoo u jeeda inuu sidii diyaaradahii intay meel ku sii nastaan ku ahaan jiray transitka. Micnihii idinka idiinma aanan socone gurigaa kale ayaan ku socdaa.

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Xidigaha & Filmada

Check Also

Daawo Bashaalka Ahmed Zaki oo Boorama Ruxay + Booqashadi Aamina Cabdilaahi

Halkan Ka Daawo Related …