Home Celebrity News & Gossip Sherine oo Cayday Amr Diab Kuna Jeesjeestay Elissa

Sherine oo Cayday Amr Diab Kuna Jeesjeestay Elissa

2 min read
Comments Off on Sherine oo Cayday Amr Diab Kuna Jeesjeestay Elissa
0
676

Fanaanada caanka ah ee reer Masar Sherine Abdel Wahaab ayaa xaflad aroos oo ay joogtay ku dhex cayday Xidiga weyn ee Amr Diab iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay nin gaboobay oo xiligiisi dhamaaday waqti xaadirkana ay fanka hogaamiyaan iyada iyo Tamer Hosny & Mohammad Hamaki.

Sidoo kale fanaanka Mohamed Hamaki oo arooskaas joogay oo sheegay inuu jecelyahay fanka fanaanada reer Lubnaan ee Elissa ayaa arintaas waxay ka cadhaysiisey sherine oo Mikrofoonka kala booday iyadoo sheegtay inayna waxba u arkeen jaceylkuu u qabo Elissa madama oo ay haysato taageero badan oo kale Masar gudaheeda sidoo kale waxay intaa ku dartey “Anuu isma qalin oo jidhkaygu wa dabiici” iyadoo hadalkaa loo fasirey inay ku dhaga hadlayso Elissa.

Arintan ayaa noqotay mid ka yaabisay dad badan sababta ay Sherine cuqdadan ugu jirto oo horena dhawr jeer ugu weerartey Elissa waraysiyo hore, Waxaana xusid mudan in Elissa ay marti u ahayd barnaamijka cusub ee Sherine dhawr usbuuc ka hor xalqadeedana dhawaan lasooo deyn doono horena wax xumaan ah uga dhexayn iyadoo markay Sherine sanadkii hore ku dhawaaqday inay fanka ka baxayso ay ahayd Elissa fanaanadii kowaad e twitterka kala hadashay Sherine e u sheegtay inaan fanku ka maarmen.

Sherine ayaa qaladkan ay samaysay ee ay ku aflagaadeysey laba xidig oo waaweyn laguna tilmaamo rukunada ugu weyn ee fanka carbeed uguna shacbiyada badan Masar ayaa waxay ku waayaysaa malaayiin taageerayaal ah oo hore u jeclaa.

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Celebrity News & Gossip

Check Also

Daawo Bashaalka Ahmed Zaki oo Boorama Ruxay + Booqashadi Aamina Cabdilaahi

Halkan Ka Daawo Related …