Home Celebrity News & Gossip Daawo sawirkii ka cadheysiiyay TAMER HOSNY!!

Daawo sawirkii ka cadheysiiyay TAMER HOSNY!!

2 min read
Comments Off on Daawo sawirkii ka cadheysiiyay TAMER HOSNY!!
0
5,613

Xidiga caanka ah ee Masar TAMER HOSNY ayaa bogagiisa baraha bulshada ku faafiyay usbuucan sawir isagoo da’ yar intaanu caan noqon sawirkaas oo dad fara badan ku qosleen qaabkuu u eeka berigaas iyo lebiskiisa ayaa sababey inuu aad uga cadhoodo Tamer jawaab kululna ka bixiyo wuxuuna yidhi “Cida ay Khusayso, Ilaa laba cisho ka hor waxaan soo dajiyay sawir anoo yar isagoo sawirkaas dad fara badan ku mashquuleen kuna jeesjeesen se run ahaantii waqtigaas waxaan ku dayan jiray dadka caanka ah filmadooda iyo sawiradooda xiligaasna fashionkaas aya socday waxaan sidaa u leyahayna waa waxaan ahaa wiil yaroo agoon ah reer dan yar ah kasoo jeeda haysana lacag uu kusoo iibsado dhar qaali ah maalinka aan sawirkaas galayeyna waxaan naftayda ugu balan qaaday inaan caan noqon doono ano lacag haystana gali doono sawwirkano kale. Hadalka aan rabo inaan idin dhaho waa inaan ku dhaho wiil walboo da’ yar oo dadaalaya inuu hamigiisa ka dhabeen karo meel sarena gaadhi karo qofka igu jees jeesayana waxan leyahay alle haku guuleeyo oo noqo mid guuleysta sida wiilkaas yar e sawirka ka muuqda. Kama xishoonayoo nolosheydi hore waanan ku faanaya inaan eber kasoo bilaabay riyadeydana rumeeyey daal iyo dhib fara badan ka dib reerkayagana aan gufeeyey baahidoodi”.

7

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Celebrity News & Gossip

Check Also

Daawo Bashaalka Ahmed Zaki oo Boorama Ruxay + Booqashadi Aamina Cabdilaahi

Halkan Ka Daawo Related …