Home Celebrity News & Gossip Xidigaha ugu Caansan Lubnaan oo Hees Wadankooda Usoo Wada 2017

Xidigaha ugu Caansan Lubnaan oo Hees Wadankooda Usoo Wada 2017

1 min read
Comments Off on Xidigaha ugu Caansan Lubnaan oo Hees Wadankooda Usoo Wada 2017
0
1,765

Madaxa Mahrajaanka “Al Arz” ee Lubnaan marwo Sethrida Geagea ayaa casuumtay manta xidigaha ugu caansan wadankaas oo ay ugu horeyso Nancy Ajram, Najwa Karam, Yara, Joseph Attieh, Ragheb Alama , Walid Tawfiiq, Ramy Ayash iyo qaar kaloo badan iyadoo usoo bandhigtay mashruuc faneed weyn oo dawladu maalgalineyso oo ah Hees wadani ah oo ay fanaanintaas wada qaadi doonan oo muujinaysa midnimada Lubnaan iyo Lubnaaniyiinta.

[espro-slider id=1446]

Fanaaniinta kasoo qayb galay shirkan oo dhan wey aqbaleen inay mashruucan wadaniyeed ka qeyb qaatan waana loo mahadceliyay waxaana Heestaas koox ahaan loo qaadi doono ereyadeeda lahaan doona abwaanka caanka ah ee Nizar Faransis laxankana Mishel Fadel. Ugu dambeyntiina Marwo Sethrida way u mahad celisay dhamaan xidigaha sida weyn uso dhaweeyey fikradeeda.




Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Celebrity News & Gossip

Check Also

Daawo Bashaalka Ahmed Zaki oo Boorama Ruxay + Booqashadi Aamina Cabdilaahi

Halkan Ka Daawo Related …